Ciidamo katirsan maamulka Puntland, oo ka gadoodsan mushaar la’aan ayaa lagu soo warramayaa in ay isaga soo baxeen farumaha hore ee dagaalka, gaar ahaan difaacyadii ay kaga sugnaayeen buuraleeyda Cal-madow ee gobolka Bari.
Ciidamadan banneeyay farumaha hore ee dagaalka, ayaa sheegay in ay ka cabanayaan mushaar kaga maqan maamulka Puntland, islamarkaana ay dalbanayaan in si deg deg ah loogu fasaxo mushaarka iyo xuquuqda ciidan ee ka maqan.
Qara kamidah saraakiisha hoggaamineysa ciidankan gadooday, ayaa sheegay in muddo dhowr bil ah in aysan qaadan mushaar iyo xaquuqdii kale ay lahaayeen, waxa ayna dalbadeen ciidankan in la siiyo mushaarka iyo xaquuqda kale ee ka maqan si ay ugu laabtaan farumaha hore ee dagaalka.
Gadoodkan , ayaa imaanaya xilli ciidamada Puntland ay wali wadaan howlgallo ka dhan ah kooxda Daacish ee ku sugan buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, waxaana ciidamada howlgalka ay ku jiraan kasoo gaaray khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com