Dad badan oo hor tuban Saldhiga booliiska magaalada Baydhabo (Daawo Sawirada)

Ciidamada booliiska magaalada Baydhabo ayaa sabtidii lasoo dhaafay xir xiray dad aad u badan oo ka qeyb qaadanayay banaan baxyo rabshado watay oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday magaalada Baydhabo.

Saldhiga booliiska Baydhabo ayaa la sheegay in ay ku xiran yihiin dad badan oo lasoo qabtay iyaga oo ka qeyb galayay banaan baxyada rabshadaha watay ee maalmihii lasoo dhaafay ruxay magaalada Baydhabo.

Waalidiinta dhalay dhalinyarada iyo dadka kale ee saldhiga ku xiran ayaa hor tuban saldhiga Baydhabo, waxa ayna waalidiinta iyo dadka eheladooda xiran yihiin dalbanaan in loo soo daayo.

Taliyaha ciidanka booliiska magaalada Baydhabo ayaa la sheegay in uu amar ku bixiyay in aan xabsiga laga sii deyn dadka xiran, waxa uuna sheegay taliyaha in dadkan lagu sameenayo baaritaano.

Waalidiinta hor dhooban saldhiga booliiska magaalada Baydhabo ayaa la sheegay in ay waayeen cid la hadasha ama tix galisa cidsigooda ku aadan in loo soo daayo dhalinyarada iyo ehelkooda kale ee ku xiran saldhiga.

Boqolaal qof oo isugu jira dhalinyaro ,Haween iyo dad da’ ah ayaa lagu xiray saldhigyada Booliiska Baydhabo, waxaana dadkan lagu eedeeyay in ay qeyb ka ahaayeen banaan baxyadii rabshadaha watay ee looga soo horjeeday xariga Abuu Mansuur.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -