Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Itoobiya oo xabsiga dhigtay Masuul sare oo lagu eedeeyey..

Itoobiya ayaa xabsiga dhigtay madaxii hay’adda gargaarka ee dowladda kadib markii lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo wax isdaba marin.

Mitiku Kassa ayaa lagu eedeeyay in uu hay’ad bini’aadantinimo kala shaqeeyay iibinta raashinka gargaarka ah iyo dharka loo qoondeeyay dadka barakacayaasha ah.

Masuulkan Si cad ugama aanu jawaabin eedaymahaas. Mr Mitiku ayaa sanadihii ugu dambeeyay caan ku ahaa sidii uu wadanku taageero ugu fidin lahaa malaayiin Itoobiyaan ah oo lagu qasbay in ay ka cararaan qalalaasaha qowmiyadaha iyo dagaalada sokeeye.

Q/Midoobay ayaa Colaadda iyo abaarta awgeed sheegtay in 26 milyan oo qof oo ka mid ah dadka Itoobiya ay u baahan yihiin gargaar.

Related posts

Shirkadda Somtel oo Abaal marin ku bixisay Gaari Qaali ah (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Maxaa sababay in Elon Musk lumiyo kaalinta shaqsiga ugu hantida badan dunida?

Caydiid Ali

Dad badan oo ka carooday Xayeesiin Dumarka loogu gafay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---