Madaxweyne Deni oo Magacaabay Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugida Puntland

Wareegto goordhaw kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu magacaabay Agaasimaha cusub ee Ciidamada Nabad Sugida iyo Soirdoonka Puntland ee loo yaqaan PSF.

Madaxweyne Deni ayaana xilka ka qaaday Agaasimihii hore ee Hay’adada Nabad Sugida Puntland waxa uuna hada agaasime cusub u magacaabay in uu noqdo S/guuto Maxamed Amiin Cabddulalahi Xaaji Khayr .

Halkan ka Akhriso Wareegatada Madaxweyne Deni

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 44 ee November 24, 2021 kuna Saabsan Magacaabid Agaasime Hay’adda PSF ee Ciidanka Dowladda Puntland.
 
Madaxweynaha Dowladda Puntland
 
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.
 
Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragntinimadiisa Ciidanimo
 
Wuxuu xeeriyey:
 
1. Waxaa S/guuto Maxamed Amiin Cabddulahi Xaaji Khayr loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda PSF ee Ciidanka Dowladda Puntland.
 
2. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -