Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo oo Magaaladda Algiers ee caasimadda wadanka Algeria uga soo qeyb galay shirweynaha Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyay Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Sheekh Aadabn Madoobe, ayaa markii uu ka baxayay magaalada Muqdisho waxaa hakkad ku jiray kulamadii golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxa uu sidoo kale kulamada golaha Shacabka ka mamnuucay xildhibaanno isugu jira mucaarad iyo muxaafid rabshado sameeyay.
Soo laabashada guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo xilligan mucaaradad xooggan kala kulmaya xildhibaanno katirsan golaha , ayaan la ogeyn waxa ay ka baddeli doonto habsami u socodka kulmada Golaha , oo shalay si caadi ah u qabsoomay.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com