Allbanaadir.com
NEWS

Yaa iska leh system-ka loo adeegsanayo doorashada Soomaaliya ?

Doorashadu waa mashruuc xasaasi ah oo saameyn weyn ku leh dowladnimada iyo xasilloonida dal kasta, khilaafka ka dhashana wuxuu horseedi karaa colaado iyo xasarado, haddii aan si hufan loo maareyn doorashada.

Doorashooyinka dalalka soo kabanaya waxaa lagu maareeyaa systems ay sameeyeen shirkado caalami ah oo ku xeeldheer doorashooyinka, oo aan qeyb ka ahayn isqabqabsiga iyo hardanka siyaasadeed ee ka jira gudaha dalka; si loo xaqiijiyo amniga xogta doorashada, loogana fogaado musuqa, eexda, iyo faragelinta ku iman karta haddii loo dhiibo dad dalkaas u dhashay oo ku milan siyaasadda, aragti iyo dano gaar ahna ka leh doorashada.

Doorashooyinkii Somaliland ka dhacay 2017, 2021, iyo 2024 waxaa lagu maareeyay IrisAccess oo ah system ay sameysay shirkadda Iris ID Systems Inc, oo saldhiggeedu yahay Mareykanka. System-kaas oo la hirgeliyay xilligii Madaxweyne Siilaanyo waxaa laga dhaxlay in uu saldhigto nidaamka doorashooyinka Somaliland, wuxuuna horseeday in xisbiyadu ku kalsoonaadaan system-ka lagu aqoonsado, laguna diiwaangeliyo codeeyaha, laguna maareeyo xogta doorashooyinka, maadaama ay musuq iyo faragelin ka nabadgaleen.

Iris ID Systems Inc oo la aasaasay 1997, kana faracmatay shikradda faca weyn ee LG oo la unkay 1958, waxaa looga dambeeyaa systems-ka lagu kala aqoonsado aadanaha, waxaana systems-keeda isticmaala 66 dal oo ay ka mid yihiin Mareykanka, Canada, India, Netherlands, iyo Ireland.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu mudnaan gaar ah siiyay doorasho qof iyo cod ah oo uu sheegay in nus qarni kadib sanadkan looga dareeri doono Soomaaliya. In doorashadaasi sharciyad ahaan duran tahay, welina aan laga gaarin heshiis siyaasadeed, waxaa u dheer oo kalsoonida lagu qabi karo sii dhaawacay in system-kii doorashada qandaraas loo siiyay shirkadda Nova oo la aasaasay 2023, uuna leeyahay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, ahna siyaasi damac iyo dano gaar ah ka leh siyaasadda, ayna isku beel yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh. Waxaana xusid mudan in qandaraaskaas la bixiyay kahor intii aan la magacaabin guddiga doorashooyinka ee go’aamin lahaa system-ka doorashada.

Soomaaliya maanta baahi badan ayay u qabtaa doorasho qof iyo cod ah, si dadweynuhu u doorto madaxda jaangoynaysa masiirkooda. Waxaase iswaydiin mudan, haddii Madaxweynuhu uusan system-kii doorashada u dhiibin shirkad caalami ah, dhexdhexaad ah, oo loo wada siman yahay, sida Somaliland iyo dunida kaleba; haddii shirkad Soomaaliyeed la siinayana aan lagu tartamin ee ninjecleysi lagu bixiyay; sidee ayuu Madaxweynuhu rabaa in Soomaalidu ugu kalsoonaato natiijada doorasho lagu go’aamin doono system-kaas uu qandaraaska ku siiyay ina-adeerkiis?

W/Q Xuseen Sabriye

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin u dhintay tijaabada daawo la sheegay in xabadda ka hortageysa oo lagu sameeyay

Cabdi Cade

Qashinka tuban Qubuuraha Barakaad ee Muqdisho (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Wado kutaala Muqdisho oo laami cusub la saaray oo xariga laga jaray (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---