Dad u dacwooday Maxkamad Al Shabaab leeyihiin oo Muqdiho lagu xiray

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay labo ruux oo lagu eedeeyay in ay dacwad u aadeen Maxkamad ay leeyihiin Al Shabaab , kadib markii ay ku qanci waayeen xukun kasoo baxay Maxkamada gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar C/llaahi ayaa sheegay in la xiray labo ruux oo dacwad u aaday Maxkamad Al Shabaab leeyihiin, waxa uuna sheegay in dadkan oo watay Dukumiintiyo been abuur ah horey go’aan uga gaareen Maxkamada Racfaanka iyo tan gobolka .

“Afar Qof ayaa loo diray waaran oo intey ka dacwoodeen gobolka laga soo xukumay ka dibna racfaan soo qaatay,Garsoorihii ku qornaa ayaa dacwadda dhageystay oo baaris u diray xeer ilaalinta,waxay soo saartay xeer ilaalintu in decumentigooda uu been abuur yahay, ka bacdi intey carareen ayay u dacwoodeen Al-Shabaab” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Waxa uu sheegay Garyaqaan Abshir in labo kamid ah afarta eedeesane ay baxsad ku jiraan, waxa uuna xusay in dadkan u dacwoodeen Maxkamad Al Shabaab si ay u cabsi galiyaan dadka kale ee kala dhaxeysay dacwada.

Dadka degan magaalada Muqdisho ayaa mararka qaar dacwad u aada Makamada Al Shabaab ee kuyaala gobolka Shabaab, waxaana Maxkamadahaasi marar badan rideen xukuno dad dacwado ka dhaxeysay.

 

- Advertisement -