Allbanaadir.com
NEWS

Howlgal culus oo ka bilabanaya Galmudug & Max’ed Xaashi Carabey oo digniin soo saaray

Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey ayaa sheegay in degaanada Galmudug ay dib uga bilaaban doonaan howlgalalo isbaaro la dagaalan ah.

Howlgalalkan ayuu sheegay inuu ka dambeeyey cabasho maalmahan ka soo yeereysay dadweynaha oo ku aadan Isbaarooyin ku soo batay degaano ka tirsan Galmudug kuwaasoo dadka iyo gaadiidkana lagu dhibaateeyo.

Carabey ayaa sheegay inay horay u wadeen howlgallo ka dhan ah Isbaarooyinka balse ay hakad gashay ka dib markii ay saameysay khilaafkii soo kala dhexgalay Madaxda ugu sareysa Galmudug

Waxa uu hadalkiisa intaasi raaciyay in mararka qaar burcada dadka dhibaateyneysa ay wataan dareyska Ciidamada balse aysan aheyn kuwa Galmudug.

Burcadda jidgooyada dhiganeysa ayuu uga digay iney ka waantoobaan falalka ay gacmaha kula jiraan isagoo xusay haddii ay sidaas sameyn waayaan ay la kulmi doonaan cawaaqib xumo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somaliland oo amar adag ku soo rogtay Isbitaalka gaarka ah

Caydiid Ali

Duufaanta Milton oo dhimasho & burbur ka geysatay USA (Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Sida Cadaado ugu diyaar garowday soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo

admin
Taboola Ads ---