Dibed bax lagaga soo horjeeday warar lagu baahiyay baraha bulshada oo sheegaya in xukuumadda Somaliland ay sii dayn doonto maxaabiistii lagu soo qabtay dagaalkii Laascaanood, ayaa saaka ka dhacay magaalada Burco ee gobolka Togdheer
Dadweynaha mudaharaadka dhigayay ayaa dalbanayay in haddii maxaabiista la sii daynayo, marka hore la soo daayo maxaabiista Somaliland ee ku xiran magaalada Laascaanood.
Waxay dalbadeen inaan wax maxaabiis ah la sii dayn karin ilaa kuwa Somaliland la soo daayo.
Dadweynaha ayaa taayirro ku gubay waddooyinka waaweyn ee magaalada, iyagoo dhagax kala hor yimid ciidamada ammaanka oo isku dayay inay kala dareeriyaan.
Rasaas ay fureen ciidamada ayaa waxaa u naf waayey labo ruux, halka 3 kale ay ku dhaawacmeensida wararka na soo gaaraya ay sheegayaan.
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa dhawaan soo jeediyay in xukuumaddu ay sii dayso dhammaan maxaabiista ay gacanta ku hayso. Wuxuu sheegay in arrimaha maxaabiista aan wada-hadal lagala gali karin SSC Khaatumo, isagoo sheegay in ay taasi hoos u dhigayso meqaamka Somaliland.
Wuxuu sidoo kale xusay in loo baahan yahay in salaadiin ka socda Deegaanka Soomaalida oo isku xilqaamay hawlaha nabadaynta labada dhinac loo adeegsado sidii maxaabiista Somaliland loo soo deyn lahaa.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdalle Maxamed Carab (Sandheere) ayaa beeniyey ayaa wararka sheegaya in Somaliland sii daynayso maxaabiistii ay ku soo qabatay dagaalkii Laascaanood, kaddib markii warar la xidhiidha arrintan lagu baahiyay baraha bulshada.
Maxaabiista u xiran SSC Khaatumo oo aad u fara badan ayaa waxaa ka mid ah  Faysal Cabdi Bootaan uu ahaa taliyihii ciidanka Somaliland ee hogaaminayey dagaalkii Goojacade.