Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya oo xubin ka noqotay golaha fulinta ee Baarlamaanka dalalka Afrika

Shirkii xoghayeyaasha guud ee Baarlamaannadda dalalka Afrika oo ka dhacay intii u dhexeysay 29 – 31 Ogoosto ee xarunta Baarlamaanka Afrika ee magalada Johannesburg ayaa waxaa Soomaali kaga mid noqotay guddiga fulinta ururka xoghayaasha.

Xoghayaha guud ee golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdikarim Xaaji Cabdi Buux, ayaa loogu doortey xubin ka tirsan guddiga fulinta ee ururka Xoghayeyaasha Afrika.

Xubin ka mid noqoshada golaha fulinta ee Baarlamaanka Afrika ayaa noqaneeysa markii ugu horeysey ee Soomaaliya Xilkaas loo doorto, waxaana xubin rasmi ah loo doortay Xoghaye Cabdikariin Buux.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa magaalada Johannesburg uga qeyb galay  shirweynaha 11-aad ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaannadda Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo soo saaray go’aano ka dhan ah DFS

Cabdi Cade

Bajaajleyda Muqdisho oo helay xeelad ay isaga ilaaliyaan Cirbado la sheegay in la isku duro (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Sidee dalalka Carabta uga jawaaben gurmadka dhulgariirka Turkiga & Siiriya? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---