Dowlada Iran oo hadal yaab leh ka soo saartay burcad badeeda Soomaalida

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Badda wadanka Iiraan ayaa sheegay iney jiraan wadamo iyo kooxo taageero maal iyo xoogba siiya burcad badeeda Soomaalida kuwaasoo ujeedkoodu yahay iney curyaamiyaan dhaqaalaha wadanka Iiraan.

Hadalkan ayuu sarkaalkan ka jeediyey xilli uu ka hadlayey xaflad soo dhaweyn ah oo loo sameeyay cutubyo ka tirsan ciidamada badda Iiraan oo ka soo laabtay sahan ay ka wadeen badda caalamiga ah oo 67 maalmood soconayay kaasoo ay ka qeyb qaateen 49 maraakiib iyo doonyo isugu jiray.

Waxa uu intaa ku daray in burcadddi baddaha ee kal hore awoodda badneyd ay aasaaseen wadamo cadaw ku ah Iiraan.

Ciidamada badda wadanka Iiraan ayaa ku soo biiray howlgalka caalamiga ah ee la dagaalanka Burcad badeedda soomaalida sanadkii 2008dii, waxayna qeyb ka ahaayeen ciidamo caalami ah iyo maraakiib ilaalo ka hayey xeebaha dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -