Allbanaadir.com
NEWS

Jen. Muhozi: “Waa la Masaafurinayaa qofkii aabahey ka codeeya”

Taliyaha ciidamada qalabka sida ee Uganda ayaa ku hanjabay in la masaafurin doono muwaadin kasta oo codkiisa ka dhiibta doorashada soo socota isagoo kasoo horjeeda aabihiis, madaxweynaha.

Sidoo kale, wuxuu mamnuucay in haweenka ka tirsan ciidanka ay xirtaan surwaal, sida ay werisay wakaaladda wararka ee AFP.

Muhozi Kainerugaba, oo ah wiilka madaxweynaha Uganda ahna taliyaha ciidamada, ayaa Khamiistii maanta sheegay in muwaadiniinta codkooda ka codeeya aabihiis madaxweynaha Yoweri Museveni, laga masaafurin doono dalka.

Doorashada guud ee dalka Bariga Afrika ku yaalla ayaa lagu wadaa inay dhacdo bisha Janaayo ee soo socota, iyadoo bilooyinkii lasoo dhaafay uu jiray cadaadis sii kordhaya oo la saaray mucaaradka.

Muhoozi oo ah wiilka Museveni – Madaxweynaha xukumayay Uganda tan iyo dabayaaqadii 1980-meeyadii – ayaa loo arkaa inuu yahay dhaxal-suge xilka ka bedeli doona aabihiis

Ninkan oo ku caan baxay hadalo muran badan dhaliya ayaa hadalkiisa waxaa uu ka yaabiyey dad badan

Related posts

Erdogan oo gudoomay fariin ka timid dhigiisa Xassan Shiikh

Caydiid Ali

Saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsan A-shabaab oo duqeymo lagu laayey (Akhriso)

Caydiid Ali

Maxaa looga hadlayaa shirka Wada tashiga ee maanta ka furmaya Garoowe?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---