Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Trump oo gaaray dalka Imaaraadka (Sawirro)

Madaxweynaha Mareykanka Donald J. Trump ayaa maanta gaaray caasimadda dalka Imaaraadka Carabta ee Abu Dubai, waana socdaal qeyb ka ah safarka diblomaasiyadeed ee uu trump ku marayo waddamada Khaliijka.

Madaxweynaha ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Abu Dubai, waxaana halkaas ku qaabilay mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Imaaraadka.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa lagu wadaa inuu sidoo kale la kulmo madaxda Imaaraadka, oo uu ugu horeeyo amiirka dalkaasi Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan.

Waxaa Booqashada Madaxweyne Trump ee gobolka lagu tilmaamay mid muhiim u ah dib u dejinta xiriirka Mareykanka iyo waddamada Carabta ee Khaliijka, Xilli mar horeba ay ka soo baxeen go’aamo loo riyaaqay oo ay ugu horeeyso cunaqabataynta laga qaaday dalka Suuriya.

Trump ayaa horey u soo maray dalalka sacuudiga iyo Qatar halkaasoo hogaamiyeyaasha labada dal uu kula soo galay heshhiisyo ku kacaya boqolaal bilyan oo Dolar.

Related posts

Wada-sheekeysi xeebta Kismaayo ku dhexmaray RW Kheyre & koox dhalinyaro ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Shiikh Aadan Madoobe oo Baydhabo kula kulmay siyaasiyiin diidan Laftagareen (Sawirro)

Caydiid Ali

Soomaaliya iyo Jarmalka oo kawada hadlay xadgudubka Itoobiya iyo howlgalka…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---