Madaxweyne Xaaf oo iyo xubno la socday oo ka badbaabay Weerarkii Nairobi

Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo xubno la socday ay ka badbaadeen weerarkii Al Shabaab ku qaadeen galabta dhismo kuyaala Naiarobi.

Duraan Faarax oo kamid ahaa xubnaha la socday Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegaya in ay ku sugnaayeen qeyb kamid ah dhismaha weerarka lagu soo qaaday oo kuyaala degmada Westland ee bartamaha Nairobi .

Waxa uu sheegay Duraan in dhismaha la weeraray uu yahay mid weyn ay ku yaalaa Hoteelo iyo xafiisyo kala duwan, waxa uuna sheegay in goobta qaraxu ka dhacay meel ku dhaw ay shir kula lahaayeen Hay’addo.

Duraan Faarax ayaa xusay in markii dambe ay goobta ka baxsadeen ayna taksi ka raaceen meel ka baxsan dhismaha la weeraray, waxa uuna xusay in wax khasaaro ah aysan kasoo gaarin isaga iyo wafdiga la socday.

Al Shabaab dagaalyahano katirsan ayaa galabta weerar isugu jiray qaraxyo iyo mid toos ah waxa ay ku qaadeen dhismo kuyaala Xaafada Westland ee magaalada Naiarobi gaar ahaan  Hotelka Lagu magacaabo Dusit .

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -