Allbanaadir.com
NEWS

AMISOM oo xoojineyso hal qodob ka hor inta aysan ka bixin Soomaaliya

Ciidamada AMISOM ayaa ballan qaaday inay xoojin doonaan tababarka iyo la-talinta ciidamada ammaanka ee Soomaaliya si ay u qaataan mas’uuliyada amniga, kahor inta aysan ka bixin dalka.

Simon Mulongo oo ah Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa sheegay in qorshaha uu yahay in Ciidamada Soomaaliya lagu dhiso awoodda heerarka caalamiga ah.

“Sannadkan waxa la arkayaa tababar dheeraad ah oo sii xoogeysanaya, hagaajin dheeraad ah oo la socota, taasina macnaheedu waa qorista, tababarka iyo tayeynta Ciidamada, kahor inta aanan dalka ka bixin.” Waxaa sidaas yiri Mulongo.

Ciidamada AMISOM ayaa la rajeynayaa in sanadkan ay ka baxaan sugidda ammaanka magaalooyinka muhiimka ah, si loogu wareejiyo Ciidamada Soomaaliya oo hada ku jira diyaar garow balaaran.

Uggu yaraan 1,000 Askari ayaa Soomaaliya laga saaray bilihii ugu dambeeyay ee sanadkii 2017, kadib markii Golaha Ammaanka uu ku dhawaaqay in AMISOM wixii hada ka dambeeya ay Soomaaliya uga baxaan si tartiib, tartiib ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

Related posts

Caro ka dhalatay siyaasi Kenyaan ah oo gabar Soomaali ah ku qasbay inay laabta galiso (Sawirro)

Cabdi Cade

Degmooyin ka tirsan dalka oo la gaarsiiyay qalabka & Sheybaarka COVID-19 (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Qaliin fudud ku galay UAE, ka dibna u ambabaxay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---