Ganacsade saakay lagu dilay Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya

Kooxo hubeesan oon heebtooda la garan ayaa saakay xaafad ku dhaw agagaarka Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen ganacsane lagu magacaabayay Cabdi Cismaan Afrax (Cabdi Biifane).

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in rag hubeesan ganacsadahan ku dileen albaabka gurigiisa xili uu kasoo baxayay , waxaana rasaasta lagu dilay ganacsadaha ku dhaawacmay gabar uu dhalay .

Kooxdii dilka u geesatay ganacsade Cabdi Biifane ayaa la sheegay in goobta si deg deg ah uga baxsadeen, waxaana raga dilka geestay ay horey usii qaateen gaari Prado ah uu watay ganacsadaha la dilay.

Ehelada Ganacsadaha la dilay ayaa sheegay in aysan garaneyn waxa loo dilay Cabdi Biifane, waxa ayna sheegeen in usan siyaasad shaqo ku laheyn uuna ahaa ganacsade baabuurta keena magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho  mudooyinkii dambe waxaa kusoo kordhay dilalka qorsheesan ee loo geesto ganacsadata iyo sidoo kale dadka u shaqeeya shirkadaha, waxa ayna dilalkan sii abuureen cabsi badan oo shacabka lasoo daristay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -