Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Tedros Adhanom oo shaaciyey iney gargaar Caafimaad oo deg deg ah gaarsiinayaan Muqdisho

Madaxa hey’adda Qaramada Miodobay u qaabilsan Caafimaadka (WHO), Tedros Adhanom ayaa sheegay iney Soomaaliya gargaar Caafimaad oo deg deg ah u dirayaan ka dib qaraxyadii khasaaraha badan dhaliyey ee shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho

Tedros Adhanom ayaa tacsi u diray dowladda, iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoysaska uu sida gaarka ah u saameeyey qaraxyadii shalay.

“Dowladda Soomaaliya waxaan ka kaalmeynaynaa sidii loo daweyn lahaa dhaawacyada faraha badan, iyo hannaanka tiiraanyo bixinta dadkii ay dhibaatada xun soo gaartay” ayuu yiri Tedros Adhanom.

Waxaa uu xusay in hey’adda Qaramada Midoibay u qaabilsan Caafimaadka (WHO) ay u taagan tahay caawinta dadka ay saameeyeen masiibooyinka iyo ficilada noocan ah dunida oo dhan,

Ugu yaraan 100 qof ayaa ku naf waayey in ka badan 300 wey ku dhaawacmeen Magaalada Muqdishoka dib qaraxyo is xig xigay oo ka dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Tel aviv oo laga kala cararay ka dib Gantaal lagu weeraray

Caydiid Ali

Haweeney uu dhalay Boqorka dalka Sacuudiga oo dacwad lagu soo oogay

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Rooble & wafdi uu horkacayo oo caawa gaaray Jabuuti (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---