Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Sheikh Tamim Bin Hamad oo ku gacan seeray Casuumadii Boqor Salmaan

Amiirka dalka Qadar Sheikh Tamim Bin Hamad Al-Thani ayaa ku gacan seeray casuumadii uga timid Boqorka Sacuudiga, oo ku casuumay in uu kasoo qeyb galo shirka Golaha Iskaashiga Khaliijka oo maanta ka furmaya magaalada Riyaadh.

Masuul katirsan dowlada Qadar ayaa sheegay in Amiir Tamim uu ka baaqsaday in uu ka qeyb galo shirka maanta ka furmaya magaalada Riyadh, waxa ayna dowlada Qadar shirkan u dirtay wasiiro iyo masuuliyiin kale oo ku matalaya.

Boqorka Sacuudi Carabiya Salmaan Bin Cabdulcasiis ayaa martiqaad aan horey loo fileyn waxa uu usoo diray Amiirka dalka Qadar Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani, hasa ahaatee cauumadaasi ayaan noqon sidii Boqorka filayay.

Isbaheysiga Sacuudiga hogaamiyo ayaa xiriirka u jaray dowlada Qadar, waaana wali Dowlada Qadar saaran xayiraadii ay kusoo rogeen Wadamo badan ay ku jiraan Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Ammaanka oo u codeenaya maanta in Kenya ciidamo nabbad ilaalin u dirto dalka..

Cabdi Cade

DF oo ganacsatada hordhigtay dalab xasaasi ah oo ku saabsan COVID-19 (Sawirro)

Caydiid Ali

Guddiga soo xulista ergada labo kursi oo Jowhar lagu dooranayo oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---