Ciidamada Amaanka oo fuliyay howlgal lagu qabtay Sargaal katirsan Al Shabaab

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo garab ka helayay ciidamo Mareykan ah ayaa xalay howlgal qorsheesan waxa ay ka fuliyeen deegaanka Basra ee duleedka degmada Balcad.

Ciidamada wada jira ee weerar ku qaaday deegaanka Basra ayaa adeegsanayay diyaarado, waxaana deegaanka ka dhacay iska hor imaad khasaaro dhaliyay oo dhax maray ciidamada huwanta iyo kua Al Shabaab.

War kasoo baxay Hay’ada NISA ayaa lagu sheegay howlgalka laga fuliyay deegaanka Basra lagu dilay 6-dagaalyahan oo katiran Al Shabaab sidoo kale lagu soo qabtay sargaal katirsan Al Shabaab oo madax ka ahaa deegaanka Basra.

”Howlgal ciidanka Amnigu ka fuliyay Deegaanka Basra ayaa lagu dilay (6)xubnood oo Alshabab ah, xubintii madaxa u ahaana waa lasoo qabtay.Kooxdan ayaa maleegaysay weerar ay ka gaystaan Muqdisho.” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ayaa kordhiyay howlgalada ay xiliyada habeenkii ah ka fulinayaan deegaano iyo degmooyin ay maamulaan Xarakada Al Shabaab  .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -