Allbanaadir.com
NEWS

Hooyo Carruur ay dhashay ku gowracday Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Waxaa xalay waaxda Cumar Fiyaasko ee degmada Kaxda ka dhacday fal dad badan ka argagaxeen, kaddib markii halkaasi hooyo ku dishay kuna bireesay labo carruur ah oo ay dhashay.

Dadka deegaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la arkay iyada oo wadata mindi dhiig leh hooyada ilmaheeda gowracday , waxaana markii guriga la tagay la arkay labada carruura ay dhashay haweeneydan oo geeriyooday.

Hooyada ilmaheeda gowracday ayaana goobta si deg deg ah uga baxsatay, waxaana xaafada uu dilku ka dhacay gaaray oo baadigoob u galay soo qabashada hooyada ilmaheeda dishay ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in hooyada ilmaheeda gowracday madaxa looga jiray, mana jiro ilaa hadda faah faahinno kiiskan argagaxa leh ka bixiyeen ciidanka booliiska Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka waxaa ka dhacay dilal argagax leh oo waalidiin carruurtooda u geesteen, dilalkan ayaana dhaliyay sababo kala duwan oo qaarkood dadku aad ula yaabeen.

Related posts

Jubbaland oo War kasoo saartay ciidankii saakay iska dhiibay Raaskanbooni

Cabdi Cade

Wado soo duntay oo sababtay geerida dad badan (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Magacaabay la taliyeyaal cusub (Magacyada)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---