Maalqabeenka Elon Musk ayaa sheegay inuu ka qoomameynayo qaar ka mid ah qoraalladii uu ka sameeyey Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump intii uu socday dagaalkooda baraha Bulshada.
“Waan ka qoomameynayaa qaar ka mid ah qoraalladaydii aan ka sameeyey Madaxweyne Donald Trump toddobaadkii hore. Waxey ahaayen xadgud,” ayuu ku yiri Musk bartiisa X, ee horey loo oran jiray Twiter.
Labada nin ayaa isugu dhacay si bannaan yaal ah, ka dib markii mulkiilaha Tesla uu Biilka canshuuraha Trump ku tilmaamay “wax laga yaqyaqsado”.
Qoraalkiisa ayaa yimid ka dib markii Trump uu si cad u sheegay in xiriirkooda uu dhammaaday, isla markaana aanu dan ka lahayn in uu dib u hagaajiyo xiriirka uu la leeyahay Musk iyo in kale.
Miisaaniyadda, oo ay ku jiraan canshuur-dhimis ballaaran iyo kordhin ku saabsan kharashaadka difaaca, waxaa bishii hore ansixiyey Aqalka Wakiillada, waxaana haatan uu horyaalaa aqalka sare.
Elon Musk ayaa ugu baaqay shacabka Mareykanka in ay la xiriiraan wakiilladooda ku sugan Washington si ay u “laalaan biilka”, isagoo rumeysan in miisaaniyaddani ay “keeni doonto hoos u dhac dhaqaale qeybta labaad ee sanadka.”
Bilyaneerka dhanka tiknoolajiyadda, ayaa isagoo aan caddeyn bixin, ku andacooday in Donald Trump uu ku jiro dukumentiyo dawladeed oo aan wali la shaacin, kuwaas oo la xiriira dambiyadii galmada ee Jeffrey Epstein. Aqalka Cad ayaa si adag u beeniyey sheegashooyinkaas.
Trump oo ka jawaabayey arrintaas ayaa sheegay in Musk “uu maskaxda lumiyey”, wuxuuna uga digay inuu burin doono dhammaan qandaraasyada uu la leeyahay dawladda Mareykanka, kuwaas oo qiimahooda lagu qiyaasay 38 bilyan oo doollar, qayb weyn oo lacagtaas ah waxay ku baxdaa shirkadda SpaceX ee uu leeyahay Musk.
“Waxaan u arkaa arrin aad u xun, sababtoo ah si xushmad darro ah ayuu u dhaqmay. Ulama dhaqmi kartid xushmad darro Xafiiska madaxweynaha.” ayuu yiri Trump oo waraysi siiyey warbaahinta NBC Axaddii.
Musk ayaa inta badan tiray qoraalladiisii uu soo dhigay baraha bulshada toddobaadkan dhammaadkiisii, oo ay ku jireen mid uu ku dalbanayey in Trump xilka laga qaado iyo mid kale oo uu ku sheegay in isag la’aantiis uusan Trump ku guuleysteen doorashada.
Musk wuxuu ahaa deeq-bixiyaha ugu weyn ee ololahii doorashada madaxweynaha Trump ee 2024, waxaana loo arkayay inuu yahay gacanta midig ee madaxweynaha.
Gacan-yarihii hore ee Trump, Steve Bannon, ayaa ku baaqay in Musk, oo ku dhashay Koonfur Afrika, dib loo celiyo.
Madaxweyne-ku-xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa sheegay inuu rajeynayo in “ugu dambeyntii Elon uu dib ugu soo laabto kooxda,” balse ay adkaan karto maadaama bilyaneerka uu qaaday tallaabooyin “Nukyliyeer ah”.
Inta badan xisbiga Jamhuuriga ayaa ku baaqay in labadan nin ay isu soo dhowaadaan, halka xisbiga Dimuqraadiga uu si weyn ula socday khilaafka ka dhex aloosan labada nine ee xiliyadii hore ahaa kuwa aad isugu dhow.
Khilaafkoodu wuxuu dhacay dhowr maalmood ka dib markii Musk ka tagay Waaxda Hagaajinta Dowladda (Doge), kaddib 129 maalmood oo uu shaqada hayey.
Xiisada u dhaxeysa madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo bilyaneerka teknolojiyadda ee Elon Musk ayaa gaartay heerkii ugu xumaa, waxaana soo afjarmay is-xulufeysigii u dhaxeeyay hoggaamiyaha ugu awoodda badan caalamka iyo ninka ugu taajirsan dunidda.
Source BBC
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com