Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Somalia oo tacsi u dirtay shacabka iyo dowlada India

“Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Dowladda iyo shacabka India, kadib shilkii naxdinta lahaa ee ku yimid diyaaradii Air India, waxyar kadib markii ay ka duushay magaalada Ahmedabad” ayaa lagu yiri War saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada arrimaha dibeda ee Somalia.

“Aad iyo aad ayaan uga xunahay dhacdadan foosha xun, waxaanan ku biirnay baroordiiqda dadkii ku dhintay. Fikirkeena iyo ducadeena waxay la garab taagan yihiin dhibanayaasha, qoysaskooda, iyo dhamaan inta ay saamaysay wakhtigan adag” ayaa sidoo kale lagu yiri War saxaafadeedka

Waxaa kale lagu sheegay qoraalka in Soomaaliya ay garab taagan tahay Hindiya iyo dhammaan ummadaha ay dhibaatadu taabatay. “Waxaan u rajeyneynaa caafimaad degdeg ah kuwa dhaawacmay waxaana u rajeyneynaa xoog iyo adkeysi dhammaan bulshooyinka ay dhibaatadu saameysey” ayaa lagu soo gebagebeeyey War saxaafadeedka.

Diyaarad xamuul ah oo ay leedahay shirkadda diyaaradah Air India nuuceeduna yahay Boeing 787-8 Dreamliner ayaa ku dhacday magaalada Ahmedabad ee dalka Hindiya.

Diyaaraddan oo siddey in ka badan 200 oo rakaab ah, kuna sii jeeddey magaalada London ayaa soo dhacday wax yar ka dib markii ay ka kacday gigida Ahmedabad.

Diyaaradda oo summadda duulimaadkeedu ahaa AI171, ayaa u muuqata in ay ku dul habsatay deegaan lagu nool yahay.

Taliyaha booliska ee magaalada Ahmedabad ayaa sheegay in aysan jirin cid ka badbaaday shilka diyaaradeed ee ka dhacay galbeedka dalka Hindiya, sida ay sheegeen wakaaladaha wararka ee AFP iyo AP.

Warark ayaa sheegaya in diyaaradda ay saarnaayeen 242 qof oo ay ku jiraan 12 shaqaalaha diyaaradda ahaa kuwaasoo dhamantood geeriyooday, waxaana socda baaritaan lagu ogaanayo sababta keentay shilkan.

Related posts

Cali Guudlaawe oo tagay furumaha hore ee Dagaalka kana bilaabay abaabul Dagaal

Cabdi Cade

Axmed Kalaay “Shacabka Marna ma aqbalayaan caburin iyo caga juglayn” (Daawo Video)

admin

Madaxweyne Farmaajo oo la sheegay in uu tartanka ka hari doono sidii Maxamed Mursal

Cabdi Cade
Taboola Ads ---