Allbanaadir.com
NEWS

Riyadii Dr. Pratik Joshi iyo qoyskiisa ee halka daqiiqo ku burburtay!

Dr. Pratik Joshi wuxuu lix sano ku noolaa London, waxaa uu ku shaqaynaayay duruufo adag waxa uu ku fakari jiray sidii uu nolol wanaagsan ugu abuuri lahaa qoyskiisa – xaaskiisa iyo saddex caruur oo u joogay Dalka Hindiya.

Wuxuu lahaa hal riyo ah in uu maalin qoyskiisa la midoobo, nolol cusubna uga bilaabo meel ammaan ah, fursado badan leh. Sanado uu sugaayay, qorsheeyay, wuxuuna ka gudbay caqabad walba oo uu wajahay. Ugu dambeyn, riyadiisii wey rumoowday.

Laba maalmood ka hor, xaaskiisa Dr. Komi Vyas – oo iyaduna dhakhtar ahayd – waxay iska casishay shaqadeeda. Boorsooyinkeeda ayay xirxirteen. Qaraabadii wey sagootiyeen. Indhahoodana waxaa ka muuqday rajo, farxad iyo hammi.

Subaxnimadii saaka, dhammaantood waxay fuuleen Diyaaradda Air India – Duulimaadka 171, iyagoo wajahayay safar hal-jid ah oo ay ku gaari lahaayeen nolol cusub. Intay diyaarada saarnaayeen, waxay iska qaadeen sawir-selfie ah, waxayna u direen ehelkooda, iyagoo u sheegayay in “nolosha cusub” ay hadda bilaabatay.

Laakiin ma aysan gaarin riyadoodii Diyaaraddii way burburtay. Qoyskiina dhamaan waxa ay ku dhinteen shilkaas.

Hal daqiiqo gudaheed, riyooyinkii sanado badan la dhisayay ayaa isu beddelay mid aan soo laabasho lahayn. Hamigii ay wateen, mustaqbalkii ay qorsheeyeen, iyo jacaylkii ay wadaageen – dhammaan wuu baaba’ay.

Sheekadoodu waxay noqotay xusuus naxdin leh oo muujinaysa in noloshu tahay mid daciif ah, aan la saadaalin karin, islamarkaana aysan jirin wax gacanteena ku jira.

Related posts

(Sawirro) Booliiska Maraykanka oo qabtay ninkii toogtay saddex arday oo reer Falastiin ah

Caydiid Ali

Deni oo Isbitaalka ku booqday dhaawaca askarta Puntland (Sawirro)

Caydiid Ali

Somalia oo War kulul ka soo saartay qaraxii lagu riiqmay ee ka dhacay Peshawar

Caydiid Ali
Taboola Ads ---