Allbanaadir.com
NEWS

Gantaalo culus oo lagu garaacay saldhigyo ay lahaayeen RSF

Ciidamada milatariga dalka Sudan, ayaa xoojiyay weerarada dhinaca cirka ah uu ku beegsanayo saldhigyada ay leeyihiin ciidamada gurmadka degdegga ee RSF, kuwaa oo dagaallo culus kula jira ciidanka milatariga talada dalka Sudan haya.

Diyaaradaha dagaalka milatariga Sudan, ayaa galinkii dambe ee maanta gantaallo culus waxa ay ku garaaceen saldhigyo ay ciidanka RSF ku leeyihiin xadduuda saddex-xagalka ah ee u dhaxeysa dalalka Suudaan, Masar iyo Liibiya.

Warbaahinta taageerta milatariga Sudan, ayaa ku warrantay in duqeymaha lagu garaacay saldhigyada RSF lagu gaarsiiyay khasaarooyin badan, waxa ayna xuseen in la burburiyay hub ,sidoo kale duqeynta lagu dilay askar daacad u ah RSF.

Saldhigyada milatari ee lahaayeen RSF lana duqeeyay, ayaa la sheegay in kooxda ay ka heleysay hub iyo dagaalyahanno u dhashay Liibiya oo ka dhinac dagaallamaya, kuwaa oo walaac hor leh ku abuuray ciidanka milatariga Sudan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Geelle oo la kulmay Gabdhaha Agoonta ee Iskuulka Boondheere (Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo xarigga ka jaray xarunta Bangiga Dhiigga Qaranka (Sawirro)

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo xilal u Magacaabay siyaasiyiin Mucaardsan Deni

Caydiid Ali
Taboola Ads ---