Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyay jariirada afka Faransiiska ku baxda ee Jeune Afrique, wuxuu markii u horreysay ku shaaciyay inay dhawaan Itoobiya u soo dirtay Jabuuti wafdi siday codsi ay Itoobiya ku dalbanayso inay Jabuuti ka hesho deked iyo saldhig ciidanka badda ah oo ay ku yeelanayso magaalada Tadjourah
Waxaa uu sheegay iyagoo ilaalinaya madax bannaanida dalka iyo ka talinta kaabayaasha istaraatijiga inay Jabuuti si rasmi ah u diidday codsigaas.
“Itoobiya waxay noo soo dirtay wafdi codsi la yaab leh wata: in la sameeyo marin ay si buuxda u maamusho, oo ka bilowda xadka Itoobiya kuna dhammaada Tadjourah, iyo in la siiyo fasax ay saldhig ciidan kaga dhisato badda. Tani ma ahayn wax aan isla ogayn. Sidaas darteed, arrintan waan diidnay…Waxaan u sheegnay Itoobiya in Jabuuti aysan ahayn Crimea.” ayuu Geelle u sheegay Jeune Afrique.
Sidoo kale, madaxweyne Geelle wuxuu xusay in Jabuuti aysan aqbalaynin wax faragelin ah oo ay dawlado shisheeye ku sameeyaan arrimaheeda gudaha, isagoo tusaale u soo qaatay heshiiskii ay Jabuuti ka baxday ee shirkadda DP World.
Hadalka uu jeediyay Madaxweyne Geelle, ee ku saabsan damaca Itoobiya ee ku wajahan marin-badeedka, waxaa ka dhalanaya su’aalo muhiim ah oo la xiriira mustaqbalka xasilloonida gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan loollanka ku aaddan dekedaha iyo ilaha istaraatiijiga ah.
Madaxweynaha Jabuuti wuxuu si xooggan u xiray albaabkii Itoobiya ay rabtay inay badda ka gasho ee dekedda Tadjourah, isagoo adeegsanaya hadal aan weerar toos ah ahayn
Itoobiya waa dal aan bad lahayn (landlocked), taasoo ay ku sharraxaan saraakiisha Itoobiya inay si toos ah u wiiqeyso kobaceeda dhaqaale iyo awooddeeda ganacsi. Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed wuxuu bilaabay olole ku dhisan “Itoobiya waxay u baahan tahay bad ay dal ahaan u hesho.”