Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa digniin rasmi ah ka soo saartay caawa xaaladda gobolka bariga dhexe iyo waqooyiga Afrika oo looga digay inay u safraan muwaadiniinta Mareykanka, iyadoo lagu sheegay qoraalka ay baahisay waaxda arrimaha dibadda
“Sababo la xiriira xiisadaha gobolka oo sii kordhaysa, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka waxay kula talinaysaa muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika inay muujiyaan taxaddar dheeraad ah. Taariikh ahaan, xiisado la mid ah kuwa hadda jira waxay keeneen dhibaatooyin ku yimaada socdaalka iyo cabsi amni oo sii kordha oo saameeya muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan gobolkaas
Wasaarada ayaa Muwaadiniinta Maraykanka kula talisay inay iska diiwaangeliyaan barnaamijka Smart Traveler Enrollment Program (STEP) oo laga helo step.state.gov, si ay u helaan warbixinno iyo digniino degdeg ah.”
Mareykanka ayaa billaabay inuu diblomaasiyiin iyo shaqaalihiisa ka saaro dalka Ciraaq, iyadoo sidoo kale lagu wargeliyay safaaradaha kale inay dhimaan shaqaalahooda, halka ay wasaaradda difaaca Mareykanka , ay diyaarisay diyaaradaha soo daabulaya shaqaalaha ka jooga bariga dhexe,tan oo la xiriirta walaac laga qabo gobolka bariga dhexe inuu la kulmo dagaal u dhaxeeya Mareykanka iyo Iran,sida ay ku warrantay warbaahinta Axios.
Israa’iil ayaa u muuqata mid isu diyaarinaysa inay weerar ku qaado Iran, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Maraykanka iyo Yurub, oo la hadlay wargeyska New York Times.
Ergayga bariga dhexe u qaabilsan Mareykanka, Steve Witkoff ayaa maanta u sheegay xubnaha Congress-ka ee Jamhuuriga, weerar kasta oo ay Israa’iil ku qaado Iran inay ka dhalanayso jawaab ay Iran ka bixinayso oo khasaare baaxad leh gaarsiinaysa Israa’iil, sida ay werisay shabakadda Axios.
Sida laga soo xigtay wargeyska New York Times, militariga Iran iyo saraakiisha sare ee dawladda ayaa yeeshay kulan gaar ah oo lagu go’aamiyay jawaabta ay Iran ka bixinayso haddii ay weerar kala kulanto Israa’iil. Ilaha wargeyska la hadlay ayaa sheegay inay Iran , isku diyaarisay si deg deg ah inay uga jawaabto nooc kasta oo weerar ay la kulanto, iyadoo adeegsanaysa gantaallada riddada dheer iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, si ka xooggan weerar kasta oo ay horey u fulisay.
Qiimaha shidaalka ayaa caawa sare u kacay 4% , sabab la xiriirta walaaca laga qabo xiisadda Mareykanka iyo Iran inay isku beddesho dagaal, markaa oo uu istaagayo shidaalka dalalka bariga dhexe ay soo saaran!