Dowlada Somalia oo iska diiday codsi ka yimid Midowga Afrika oo loogu daneenayo Kenya

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa iska diiday codsi uga yimid guddi ka tirsan Midowga Afrika oo doonayay in wadahadal laga galo xiisada muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Midowga Afrika ayaa doonaya in kiiska muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya si hoose lagu dhameeyo, waxa ayna Midowga Afrika doonayaan in wadahadal ka dhaca magaalada Adis Ababa in kiiskaasi looga wada hadlo.

Guddi kamid ah midowga Afrika ayaa warqad casuumad ah u qoray dowlada federaalka Soomaaliya oo looga codsanayay in arinta muranka badda uu dhameenayo Midowga Afrika laguna xalinayo kiiskaasi magaalada Adis Ababa.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay iska diiday warqadaasi casuumada ah ee Midowga Afrika uga yimid, waxa ayna dowlada sheegtay in kalsooni badan ku qabto  go’aanka  kasoo baxa Maxkamadda caalamiga ee ICJ .

Wargeyska The Star ee ka soo baxa Dalka Kenya ayaa qoray in dowlada federaalka Soomaaliya dhagaha ka fureeatay iskana diiday in magaalada Adis Ababa lagu dhameeyo muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Dowlada Kenya ayaa dadaal badan ku bixineysa sidii Maxkamada caalamiga ee ICJ looga oo celin lahaa kiiska muranka badda, waxa ayna Kenya dooneysaa in muranka badda ee labada dal lagu dhameeyo wadahadal.

Maxkamadda ICJ ayaa 9ka ilaa 13ka Bisha soo socota ee September dhegeysaneysaa wareeg kale oo ka mid ah dacwadda Badda ee ay Soomaaliya geysay sanadkii 2014kii, Kenya ayaana ka walaacan in looga adkaado dacwada taala Maxkamada caalamiga .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -