Allbanaadir.com
NEWS

Nin si mucjiso leh uga badbaaday shilkii dayuurada Air India

Vishwash Kumar Ramesh, oo ka mid ahaa rakaabkii dayaaradda kuna fadhiyey kursiga lambarkiisu yahay 11A, oo qura  ayaa ka badbaaday 242 qof ee saarnaa diyaaraddii maanta ku burburtey dalka India.

Daqiiqado kadib markii boolisku shaaciyeen in dhamaan dadkii diyaaradda saarnaa oo tiradoodu lagu sheegey 242 ay dhinteen, waxaa la arkey isagoo burburkii diyaarada ka soo hoos baxaya, taas oo Vishwash Kumar Ramesh, ka dhigtay kan keliya ee badbaaday, waxaana arrintan si aad ah u hadal heysa guud ahaan Warbaahinta Caalamka.

Ninkan ayaa qeybo ka mid ah jirkiisa waxaa soo gaaray dhaawacyo fududoo ka soo gaaray burburka dayuurada oo si lama filaan ah u ugu dhacday xaafado la degan yahay, wax yar ka dib markii ay ka duushay garoonka dayuuradaja Ahmedabad.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradda ay saarnaayeen 242 qof oo ay ku jiraan 12 shaqaalaha diyaaradda ahaa kuwaasoo dhamantood geeriyooday, marka laga reebo ninkan ka tirsana rakaabka waxaana socda baaritaan lagu ogaanayo sababta keentay shilkan.

Related posts

Awooda Madaxweyne Trump u leeyahay inuu weeraro Iran oo la xadiday

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo halyey ku tilmaamay Abaanduule Cabdi Suulnuug oo maanta la dilay

Cabdi Cade

Kyle McCarter oo War cusub kasoo saaray kulankii la sheegay in uu la qaatay Farmaajo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---