Boosaaso oo lagu soo bandhigay Waxyaabaha Qarxa iyo rag diyaarinayay (Daawo Sawirada)

Ciidamada amaanka maamulka Puntland ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxa ay kusoo qabteen waxyaabaha qarxa oo la doonayay in dhibaato lagu geesto.

Howlgalka ciidamada sameeyeen ayaa lagu soo qabtay qaraxyo miino oo la diyaariyay, iyo qalabkii loo adeegsan lahaa, waxaa sidoo kale howlga;ka lahu soo qabtay ragii qaraxyadaasi diyaariyay.

Saraakiil katirsan ciidamada Puntland ayaa sheegay in qaraxyadan lasoo qabtay la doonayay in lagu waxyeeleeyo dadka dhacabka ah, waxa ayna sheegeen saraakiisha in raga lasoo qabtay cadaalada la horgeyn doono.

Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ka dhaca qaraxyo iyo dilal ay geestaan kooxaha Al Shabaab iyo Daacish, waxaana marar badan laamaha amaanka Puntland soo bandhigeen qaraxyo ay sheegeen in la fashiliyay lana soo qabtay .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -