Allbanaadir.com
NEWS

Mucaaradka Deni oo laga mamnuucay in Garowe ku qabtaan Shirar iyo…

Guddoomiyaha golaha deegaanka ahna duqa degmada Garoowe Cabdulqaadir Axmed Tuurre (Geeddi) oo maanta ka qaybgalay shirka ammaanka caasimadda ayaa si adag uga hadlay shirar siyaasadeedyo ka qabsoomay magaalada Garoowe.

Guddoomiye Geedi ayaa sheegay in qof walba ay Mas’uuliyad gaar ah ka saaran tahay nabadda Garoowe isla markaana loo baahan yahay in hawlaha shaqada looga dambeeyo dowladda loo igmaday, isagoo sheegay inaysan aqbali doonin qabashada shirar aysan dowladdu la socon.

“Inagu taladeenii iyo xooggeennii waxaan isugu geynay dagaal, kuwa maanta shirarka qaqabanayana waxaan isleenahay waxay ku yihiin caqabad, Magaaladaani shir iyo saxmad uma baahna, haddaad kusii socotaanna gacmaha ayaa laydinka qabanayaa”, Ayuu yiri guddoomiye Geeddi.

Dhanka kalena, guddoomiyaha ayaa sheegay,”Magaaladatan xafiisna lagama furi karo shir dambena laguma qaban karo, kuwa badan ayaan magaalada imaan karin, waxay sameeyeen ayeyna u imaan waayeen, ciddii tallaabo dambe qaadana kuwaa aan imaan karin oo kale ayey noqon doonaan”.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Amiirka dowlada Qatar oo Soomaaliya u soo Magacaabay danjire cusub

Caydiid Ali

Nidaam casri ah oo shaqo lagu helayo oo Muqdisho lagu daah-furay

Cabdi Cade

Madaxweyne Putin oo amray in lasoo rido Diyaarad ay la socdeen in ka badan 100-qof

Cabdi Cade
Taboola Ads ---