Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo shuruud ku xirtay ka qeyb galka gogosha uu fidiyay Madaxweyne Xasan

Maamulka Puntland oo ka hortimid gogoshii uu iclaamiyay madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa sheegtay in aysan qeyb ka noqon doonin Shirkaasi ilaa Villa Somalia aqbasho doorashadii Jubaland.

Wasiirka Caddaaladda Puntland, Maxamed Cabdiwahaab oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa shaaciyay in aysan Puntland qeyb ka noqon doonin gogosha Xasan Shiikh ilaa Villa Somalia aqbasho doorashadii Jubaland ee mar kale lagu doortay madaxweyne Axmed Madoobe.

Wasiir Maxamed Cabdiwahaab ayaa sidoo kale ugu baaqay Villa Somalia in ay ku soo laabato dastuurkii heshiiska lagu ahaa ee la ansixiyay Aug 2012, islamarkaana joojiso duullaanka ka dhanka ah Puntland iyo Jubaland, si loo aqbalo gogoshii madaxweyne Xasan Shiikh, loogana wada-hadlo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan arrimaha masiiriga ah iyo doorashooyinka dalka.

“Maanta cid idin la fariisaneysa ma jirto illaa aad ku soo noqotaan xayndaabka sharciga iyo dastuurkii dalka ee dadka Somaliyeed ku heshiiyey Aug, 2012 sidoo kalena aad aqbashaan doorashadii dadka Jubbaland qabsadeen, duulaanka JL & PL aad joojisaan” ayuu yiri Maxamed Cabdiwahaab.

 

Related posts

Madaxweyne Putin oo ka badbaaday isku day la doonayey in lagu qaarajiyo

Caydiid Ali

Shirar Xasaasi oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya

Cabdi Cade

IGAD oo War kasoo saartay Rabshadihii ka dhacay Muqdisho iyo Xaalada hada taagan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---