Madaxweyne Putin oo ka badbaaday isku day la doonayey in lagu qaarajiyo

Sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan militeriga dalka Ukraine Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa la sheegay inuu ka badbaaday  isku day dil ah oo lala beegsaday waxyar kaddib markii uu billowday dagaalka Ukraine.

Warbaahinta caalamiga ah qaarkood oo ay ka mid yihiin telefishinka NDTV iyo Wargayska New York Post ayaa maanta shaaciyay warkan oo ay ka soo xigteen wargeyska Ukrainska Pravda ee laga leeyahay Ukraine.

Gen. Kyrylo Budanov, oo ah madaxa sirdoonka dhinaca gaashaandhigga ee Ukraine, ayaa dibadda u soo saaray xogta ku saabsan iskudayga lagu dili rabay Putin ee “dhicisoobay”. Falkaas ayuu sheegay in uu ka dhacay gobolka Caucasus.

Warkan ayaa soo baxay xilli uu socdo dagaalka sii xoogaysanaya ee u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine, sidoo kalena ay isasoo tarayaan xogaha la isla dhex marayo ee la xiriira caafimaadka Madaxweyne Putin.

Gobolka Caucasus ee uu ka dhacay isku dayga dilka ah ee lala beegsaday Putin ayaa ku yaalla inta u dhaxaysa Badda Madow iyo Badda Caspian, dhacdadaasna waxay ku soo aadday waxyar kaddib markii uu qarxay dagaalka Ukraine oo bilowday 24-kii bishii February.

Sheegashadan wali ma aysan xaqiijinin ilo wareedyo madax bannaan, hase yeeshee warkan waxa uu kusoo aaday dhowr isbuuc kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Mr Putin lagu sameeyay qalliin si looga saaro saliid uur ku jirtiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -