IGAD oo War kasoo saartay Rabshadihii ka dhacay Muqdisho iyo Xaalada hada taagan

War qoraal ah oo kasoo baxay Urur goboleedka IGAD ayaa lagu Cambaareeyay rabshadihii gacan ka hadalka ahaa ee saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho .

Urur Goboleedka IGAD ayaa qoraalkooda ku sheegay in ay aad uga xun yihiin rabshadihii ka dhacay magaalada Muqdisho iyo xasarada siyaasadeed ee kasii dareysa taa oo keentay khilaaf ka dhashay doorashada .

IGAD ayaana ugu baaqday dhinacyada isaga soo horjeeda siyaasada in ay kawada hadlaan xaalada siyaasadeed ee dalka lagana fogaado rabshado gacan ka hadal ah, waxa ayna IGAD sheegtay in gacan ka geesan doonto xal u helida xiisada taagan.

Warkaan kasoo baxay Urur goboleedka IGAD ayaa ayaa kusoo aadaya xili magaalada Muqdisho rabshado ku dhax mareen ciidamo kala taabacsan Musharaxiinta mucaaradka iyo Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -