Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shirar Xasaasi oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ay ka dhaceen shirar xasaasi ah ay lahaayeen Madaxda ugu sareysa dowlada Federaalka Soomaaliya.

Shirarka ugu badan waxaa yeeshay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Kheyre, waxa ayna labada masuul ka arinsanayeen sidii looga gudbi lahaa xiisada siyaasadeed ee hada soo cusboonaatay.

Sida aan xogta ku helnay Madaxda ayaa ka arinsaday sida ay ka yeelayaan shirka uu ku baaqay Madaxweynaha Puntland ee ka dhacaya magaalada Garawe iyo sidoo kale shirarkii ay Nairobi wakiilo kala duwan kula soo qaateen Madaxda maamul goboleedyada.

Madaxda Villa Soomaaliya ayaa sidoo kale ka arinsaday dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee Nairobi ka wadaan siyaasiyiin mucaarad ah oo xilal hore usoo qabtay iyo Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka dowlada federaalka.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa sidoo kale la sheegay in xiisada siyaasadeed ee hada taagan kala shireen Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa hada waxaa soo food saaray culees siyaasadeed oo kaga imaanaya siyaasiyiinta mucaaradka iyo sidoo kale qaar kamid ah Madaxda maamul goboleedyada oo mar kale isbaheysi cusub sameesanaya.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaan wali war kasoo saarin eedeyntii uga timid Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo Madaxweynaha Puntland, sidoo kale Madaxtooyada wali kama aysan hadlin go’aanka shirka lagu qabanayo Garawe 2-da bisha soo socota ee May.

Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa marar badan ka gudubtay marxalado adag oo siyaasadeed, waxa ayna dadka siyaasada falanqeeya aaminsanyihiin in dowlada mar kale ka gudbi doonto cadaadiska siyaasadeed ee hada saaran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Kalaay “Shacabka Marna ma aqbalayaan caburin iyo caga juglayn” (Daawo Video)

admin

Qasri caan ah oo laga xaday Fadhi Suuli oo ka sameesnaa Dahab (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Gaari qaraxyo lagu diyaarinayey oo qarxay iyo Khasaare nafeed oo ka dhashay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---