Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo kormeeray Markanka Sahminta Shidaalka ee Oric Reis(Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay markabka “Oruc Reis” oo ku howlanaa baarista shidaalka dalkeenna, kadib markii si rasmi ah loo soo gabagabeeyay sahanka shidaalkaa xeebaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay howl-wadeenada iyo bahda iskaashiga Turkiga dadaalladooda ku aaddan sahankan istiraatiijiga ah, isagoo muujiyey in natiijada baaristan ay wax weyn ka beddelayso xaaladda Soomaaliya iyo xiriirka iskaashi ee Labada dal.

“Tani waa guul muhiim ah oo xoojinaysa yoolkeenna ah in Soomaaliya ay si buuxda uga faa’iideysato kheyraadkeeda, una beddesho fursado dhaqaale iyo horumar bulsho. Dowladda iyo shacabka Turkiga mar walba waxa ay hormuud u yihiin tallaabooyinka muujinaya in Soomaaliya la maalgashan karo”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay dadaalka dowladda ee kobcinta dhaqaalaha dalka iyada oo loo marayo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee hodonka ay ku tahay Soomaaliya, kuwaas oo dabooli kara duruufaha ka jira dalkeenna.

Related posts

Ciidanka NISA iyo kuwa Shisheeye oo fuliyay howlgal lagu dilay xubno badan oo katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade

Nin aargudasho xubinta taranka uga jaray Wiil Soomaaliyeed oo gacanta lagu dhigay

Cabdi Cade

Shirkii sannadlaha Hay’adda Himilo oo lagu qabtay Magaalada Amsterdam [SAWIRRO]

admin
Taboola Ads ---