Allbanaadir.com
NEWS

Bandow lagu soo rogay qeybo kamid ah magaalada Los Angales

Qaybo ka mid ah magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka oo shantii maalmood ee la soo dahaafay marti u noqotay dibadbaxyo rabshada wata oo ay dhigayaan dad ka soo horjeeda siyaasadaha socdaalka ee Madaxweyne Donald Trump ayaa la geliyey Bandow soconaya 8-da fiidnimo illaa 6-da subaxnimo.

Mas’uuliyiinta dowladda Hoose ee Los Angeles dadka teleefoonada isticmaala u diray farriin lagu ogeysiinayo in magalada lagu soo rogey bandow islamarkaana la xiddiday dhaqdhaqaaqa habeenkii, marka laga reebo dadka shaqada u socda iyo kuwa xaaladaha degdegga qabsadaan.

Duqa magaalada Los Angels Karen Bass ayaa ku dhawaaqday in badowgu saameynayo dhul baaxadiisu dhan tahay 1 mile oo isku wareegga, waxaana goobaha bartilmaameedka ah ka mid faras magaalaha Los Angels inta u dhexeysa 8pm illaa 6am.

Dhinaca kale Karen Bass ayaa maanta xiriir la sameysay madaxweyne Trump oo ay u sheegtay in uu joojiyo ciidamada ICE ee uu magaalada ku soo daldalayo, ku waas oo ay sheegtay in joogitankoodu qalqal ku hayo magaladeeda. Dadweynah magalada ayaa aad ula fajacay in la xayiro socsocodkooda.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeeray lix ka mid ah xarumaha dowlada (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Rag bastoolado ku hubeysan oo dil ka geystay Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Kheyre oo ka hadlay Geeridii ku timid Cabdiraxiin Caabi Faarax

admin
Taboola Ads ---