Allbanaadir.com
NEWS

Kalluumeysato 8 bilood ka hor la waayey oo dalka lagu soo celiyey

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ay dib u soo celiso saddex kalluumeysato Soomaaliyeed oo la waayay tan iyo dhammaadkii sanadkii 2024-kii, xilli ay ku jireen hawl kalluumeysi ah xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis.

Cabdullaahi Yuusuf Jaamac, Aweys Cabdi Sheekh (Aweys Qunjaaro), iyo Bile Maxamed Mustaf ayaa maanta si farxad leh uga soo dagay garoonka Aadan Cabdulle

“Badda Liido ayaan ka baxnay, jihadii ayaa naga luntay markii aan 10 maalin socono waxaa naga go’ay cunnadii iyo biyihii, waxaan maalmo dhan cuneynay kalluun ceyriin ah iyo biyaha badda. waxaan maqneyn muddo 8 bilood ka badan waxay doontii nagula caarisay jasiirada Maldives ee badweynta India ku taalla, halkaas waxaa hadda naga soo qaaday dowlada Somalia oo kaashaneysa heyadda IOM” ayuu yiri mid ka mid ah saddexda dhallinyaro ah oo muddo 8 bilood ah ka maqnaa dalkooda kadib markii ay badda ku lumeen.

Waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay masuuliyiin ka kala socday Waaxda Horumarinta Kalluumeysiga, Iskaashatada Dan-Kulmis ee Xeebaha Soomaaliya, iyo Ururka Iskaashatooyinka Kalluumeysiga Soomaaliyeed.

Soo celinta kalluumeysatadan ayaa suurta gashay iyada oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, Wasaaradda Arrimaha Dibedda, iyo Iskaashatada Dan-Kulmis ee Xeebaha Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay muujisay sida ay uga go’an tahay ilaalinta iyo garab istaagga kalluumeysatada Soomaaliyeed.

 

Related posts

Gunooyinka Golaha Wasiirada Somalia oo qeyb laga jaray iyo sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Laftagareen oo Damac kasoo galay Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Farmaajo oo …

Cabdi Cade

Jahwareer ka taagan Kismaayo & doorashadii Jubbaland oo Weji cusub yeelatay

admin
Taboola Ads ---