Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii u dambeeyey shilkii dayuuradeed ee Air India (Sawirro)

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Hindiya, Randhir Jaiswal, oo ka hadlayay shir jaraa’id oo toddobaadle ah, ayaa shilkii diyaaradda ee ka dhacay Ahmedabad ku tilmaamay “shil aad u murugo badan”.

“Weli waxaa socda howlaha samatabbixinta. Waa in aynu wax yar sugnaa si faahfaahinta rasmiga ah loo helo,” ayuu yiri.

Laakiin wuxuu sidoo kale intaa ku daray: “Waxaan waynay dad badan. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa dhammaan dadkii ay ka baxeen dadka dhintay.”

Taliyaha booliska ee magaalada Ahmedabad ayaa sheegay in aysan jirin cid ka badbaaday shilka diyaaradeed ee ka dhacay galbeedka dalka Hindiya, sida ay sheegeen wakaaladaha wararka ee AFP iyo AP.

Warark ayaa sheegaya in diyaaradda ay saarnaayeen 242 qof oo ay ku jiraan 12 shaqaalaha diyaaradda ahaa.

Diyaaradda Air Hindiya ee duulimaadkeedu ahaa AI171 waxay shaacisay tirada iyo dhalashooyinka rakaabkii saarnaa diyaaradda dhacday maanta.

Waxay sheegtay in diyaaradda ay saarnaayeen 169 muwaadiniin oo u dhashay dalka Hindiya, 53 muwaadiniin Ingiriis ah, hal muwaadin oo u dhashay Kanada, iyo toddoba qof oo u dhalatay Boortaqiis.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA SHILKA

Related posts

Al-Shabaab oo sheegtay iney Muqdisho ku dileen sarkaal ka tirsan Xoogga dalka

Caydiid Ali

Dowladda oo loogu deeqay 9-milyan oo Dollar iyo waxa lagu qaanayo oo…

Cabdi Cade

Madaxweyne Geelle oo diiday codsi xasaasi ah oo Itoobiya ka yimid

Caydiid Ali
Taboola Ads ---