Allbanaadir.com
NEWS

Calanka Somaliland oo mar kale ka soo muuqdey fagaare caalami ah

Calanka Somaliland, ayaa mar kale ka soo dhex  muuqdey fagaare Caalami ah, isaga oo dhinac yaalla Calanka Soomaaliya, kadib Shir caalami ah oo looga hadlayay kaabayaasha dhaqaalaha ee Qaaradda Afrika

Shirkan ayaa lagu qabtay Magaaladda caasimadda ah ee Windhoek ee dalka Namibia.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfurta Afrika iyo dalalka kale ee aanu deegaanka ku lahayn sida dalalka Namibia, Angola, Mozambique, Botswana iyo Zimbabwe, Danjire Maxamed Sheekh isxaaq oo xiriir la sameeyay Julius Amoti oo ah Madaxa Sare ee Ergeyga guud ee Gobalka ee Hay’adda ICRD, ayaa ku qasbay inuu ka saaro barta uu ku leeyahay Twitter-ka “X” Calanka Somaliland, kaasoo soo dhigay Calanka Somaliland oo ka dhex muuqda Shir ka dhacay Caasimadda Windhoek ee dalka Namibia.

Dalka Namibia ayaa dhaca Xeebta Galbeed ee Koonfurta Qaaradda Afrika, taasoo dhanka Galbeed ay ka xigto Badwaynta Atlaantigga ah, Waxa ay xuduud dhuleed la wadaagtaa dalalka Angola iyo Zambia, waana dal xubin ka ah Urur Siyaasadeedka Barwaaqo Sooranka ah ee ka kooban 56 dal.

Somaliland oo 25 sano ka hor sheegatay iney ka go’day Somalia inteeda kale ayaa dedaal xoogan ugu jirta sidii ay u heli laheyd aqoonsi caalami ah, hase ahaatee dowlada Somalia oo arrintaas diidan ayaa mar kasta xagal daacisa isku dayga Somaliland.

Related posts

Dowladda oo war kasoo saartay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee Damaayo ka dhacay

Cabdi Cade

Nin aan Qubeysan muddo ka badan 22-sanno iyo Sababta ku kaliftay oo la ogaaday (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamada Israa’iil oo cashir xanuun badan loogu dhigay xadka Lubnaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---