Xildhibaan Daahir Aamiin Jeesaw oo kamid ah xubnaha golaha shacabka barlamaanka Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya, ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wasiirkiisa Gaashaandhigga.
Ugu horrayn xildhibaan Jeesaw ayaa eedaymo ujeediyey wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Somalia Axmed Macalin Fiqi oo uu sheegay inuu ka beensheegay dagaalka xoogagga deegaanku kula jiraan Alshabaab, wuxuuna ku sifeeyey shaqsi aan mucaarad iyo muxaafid midna ku habboonayn.
“Wasiir Fiqi ma ahan nin muxaafadkana ku roon mucaaradkana ku roon ciidi uu la jirana ceeb ayuu u keenayaa,waa ninkii isagoo mucaarad ah lahaa 1991-kii ayaa loo laabanayaa waan ognahay wadooyinka ayuu taagnay”, Ayuu yiri xildhibaan Daahir Aamiin Jeesaw”.
Dhanka kalena, xildhibaanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud inuu daacad ka noqdo dagaalka Alshabaab iyo xal u helidda khilaafyada siyaasadeed ee dalka, isagoo xusay in madaxweynaha waqti ku socdo daacadnimaduna ay isaga badbaado u tahay.
“Madaxweynuhu caacad kama ahan waxa uu sheegayo, laakiin isaga ayey u roontahay inuu daacad noqdo oo ka libkeeno waayo waqti ayaa ku socda”,Ayuu yiri Xildhibaan Daahir Aamin Jeesaw.
Xildhibaan Daahir Jeesow, ayaa kamid ah xildhibaannada mucaaradka ee sida weyn u weerara siyaasadda Villa Soomaaliya, waxaana hadaladda adag ee xildhibaanka si weyn u dhibsada madaxda dowladda Federaalka iyo siyaasiyiinta kale ee taabacsan siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh.