Xamaas ayaa cambaareyn dusha uga tuuray falkii Israa’iil ku qabsatay doon ay saarnaayeen koox caalami ah oo doonayey in ay gargaar bini’aadamnimo gaarsiiyaan dadka ku tabaaleysan marinka Qasa.
Kooxda hubeysan ee Xamaas ayaa war ay soo saartay ku dalbatay in si degdeg ah loo sii daayo 12 qof oo isugu jira samefaleyaal, siyaasiyiin iyo shakhsiyaad caan ah oo u ololeeya xaquuqda dadka reer Falastiin.
Warka ka soo baxay Xamaas ayaa lagu sheegay in Israa’iil ay mas’uuliyad buuxda ka saaran tahay ammanka iyo bedqabka dadkaas, islamarkaana lagula xisaabtami doono wixii soo gaara.
Xamaas waxay dhanka kale ugu baaqday Qaramada Midoobey iyo ururrada kale ee caalamiga ah in ay cambaareeyaan “dambigan”, isla markaana ay jabiyaan go’doominta lagu hayo dadka reer Falastiin ee Qasa ku caddiban.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda falastiin ee fadhigeedu yahay Daanta Galbeed ee wabiga Urdun ee Israa’iil haysto ayaa ku baaqay in la dhowro dadka u dhaqdhaqaaqa xaquuda aadanaha ee la socda doonida Madleen.
War lagu daabacay barta X ayey wasaaraddu ku bogaadisey isgarab-taagga Gaashaanbuurta Doonleyda Isku-bahaystay Xorriyadda, ku waas oo ciidammada Israa’iil ay ka hor-istaageen in ay sahay gargaar ah gaarsiiyaan marinka Qaza ee go’doonka ku jira.