Iran, ayaa ku soo dartay shuruudaha wadahadallada nukliyeerka ee ay kula jirto Mareykanka in la burburiyo nukliyeerka Israa’iil, sida uu ku warramay wargeyska New York Times.
Mowqifkan waxay soo bandhigaysaa Iran, maalmo kaddib markii ay shaaca ka qaaday inay heshay xog dhammeystiran oo la xiriira hubka nukliyeerka ee ay heysato Israa’iil, taasoo la macno ah inay Iran , wada-xaajoodka ay Mareykanka kula jirto ku soo bandhigi karto dukumintiyo caddeynaya nukliyeerka Israa’iil.
Dhinaca kale, Netanyahu, ayaa lagu warramaya inuu ka codsaday Trump , inuu ka baxo wadahadallada uu kula jiro Iran, isagoo ku andacooday inay Israa’iil heysato warbixinno sirdoonka oo awood u siinaya inay weerar khasaare gaarsiin kara xarumaha nukliyeerka ku qaado Iran, inta uu socday wadahadal ay telefoonka ku yeesheen xalay
Balse Trump ayaa la sheegay inuu ka carooday inuu Netanyahu ku dhagan yahay weerar uu ku qaado Iran, isagoo markaa si cad ugu sheegay marna inuusan u oggolaan doonin weerar ay Israa’iil ku qaado Iran, markaa oo sidoo kale uga digay inuu joojiyo hadallada uu ka sheegayo warbaahinta ee la xiriira weerar ay Israa’iil ku qaadayso Iran, sidaa waxaa weriyay labada wargeys ee ka soo baxa Israa’iil ee Times of Israel iyo Haaretz.
Wargeysyada , warbixintiisa waxaa ay ku sheegeen Trump inuu xaqiijiyay Mareykanka inuu doonayo heshiis, halkii laga aadi lahaa dagaal dhaliya dhimasho iyo burbur oo ka qarxa bariga dhexe.