Dowladda Suudaan ayaa caawa shaaca ka qaaday in dagaalka ay kula jirto kooxda RSF ay ku soo biireen Ciidanka Liibiya ee uu hogaamiyo Khaliifa Haftar.
Ciidanka Generalka caanka ku ah ee Liibiya inay garab siiyaan kooxda RSF waxay dhibaato ku noqon doontaa dadaalada dowladda Suudaan kula wareegayso amniga dalkaas.
Suudaan ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in ay iska difaaci doonto gardaro kasta ayaa sheegtay in qorshahaan ay gadaal ka riixayso Imaaraadka Carabta oo xulafo la ah Khalifa Haftar.
Ciidanka uu hogaamiyaha Khalifa haftar oo taageero ka helaya Imaaraadka ayaa sanado ka hor lagu jebiyey dagaalo ka dhacay dalkaas ka vdib markii ay isku dayeen iney meesha ka saaraan dowlada caalamku aqoonsan yahay ee dalkaas.
Ciidamada Turkiga oo taageerayay ciidamada dowlada Liibiya ayaa ku qasbay xoogaga Khalifa haftar iney dib uga gurtaan goobaha dagaalka ka dib markii ay u babac dhigi waayeen awooda ciidamada Turkiga ee cirka ka duqeynayey.
HOOS KA DAALACO WAR SAXAAFADEEDKA SUDAN