Allbanaadir.com
NEWS

Aroosad ka dambeysay dilka ninkeeda oo lasoo xiray iyo aabaheed oo hadlay

Ciidanka Booliska dalka Hindiya, ayaa sheegay in la helay lana soo xiray haweeney aroosad aheyd oo lagu tuhmayo in ay ku lug laheyd dilka loo geestay ninkeeda , maalmo un kaddib markii ay aqal galeen lamaanahan.

Labada reerood ee lammaanaha arooska ahaa, ayaa maleeyey in aroosadda la diley ama la afduubtay, ka dibna waxay billaabeen in aad qaadaan olole ballaaran oo lagu baadi-goobayo gabadha oo la waayay markii ninka la dilay kaddib.

Booliska ayaa hadda aaminsan in Sonam Raghuvanshi oo 25 sano jir ah iyadu ka dambeysey dilka saygeeda, ka dib markii ay rag u kireysatay oo lagu magacaabi jirey Raja oo 30 sano jir ahaa, intii ay ku jireen safar ay ugu ambabaxeen gobolka ku yaal waqooyiga galbeed ee Meghalaya. Afar nin ayaa loo xiray dilka Raja.

Devi Singh oo ah aabbaha Sonam difaacay gabadhiisa, wuxuuna sheegay “in gabadhiisu ay ceeb ka saliim tahay, dambiga wax laga saarayana uusan marna ka suurtoobin”.

Lammaanaha cusub wuxuu arooskoodu ka dhacay Indore oo ka tirsan gobolka bartamaha Hindiya ku yaal ee Madhya Pradesh 11-kii May, ka dibna waxay doorteen in ay bisha malabka ku soo qaataan gobolka Meghalaya, maadaama loo sheegay in uu leyahay “dooxooyin qurxoon leeyahay oo dalxiiiska ku habboon”, sida uu wabaahints u shegay Sachin Raghuvanshi oo ah ninka arooska ah ee la dilay walaalkis.

Related posts

Ciidanka Itoobiya oo ka baxay Makelle iyo Jabhadda TPLF oo kaabiga ku haysa

Caydiid Ali

Ganacsade Cabduqaadir Jeemis oo la dilay iyo Faah Faahino kasoo baxaya dilkiisa

Cabdi Cade

Imaaraadka oo laga codsaday in ay shaaciyaan halka ay joogto Ladhifa Sheekh

Cabdi Cade
Taboola Ads ---