Booliska Gobolka Banaadir oo amar cusub ku soo rogay mooto bajaajka

Taliska Qeybta Guud ee Booliska gobalka Banaadir oo amar ka soo baxay ayaa dhamaan wadayaasha Moota Bajaajta ee ku dhaqan Caasimada iyo nawaaxigeeda waxaa laga mamnuucay Beensalka muraayada hore ee Bajaajta lagu xiro.

Amarka ka soo baxay Taliska Qeybta Guud ee Booliska gobalka Banaadir ayaa lagu sheegay sababa amni dartood in loo joojiyay.

Waxaa la faray wadayaasha Mooto Bajaajta inuu dhaqan galayo amarkaan maalinta Axada  oo ay taariikhdu ku beegantahay  January 13, 2024-ka.

Taliska Qeybta Guud ee Booliska gobalka Banaadir ayaa Wadayaasha iyo Milkiilayaasha mootooyinka ku adkeeyey in ay u hoggaansamaan faritaanada lagu sugayo amniga iyo xasiloonida Bulshada, iyada oo uu talisku sheegay ciddii u hoggaansami weysa loo qaadandoona in ay amniga lid ku tahay

- Advertisement -