Muxuu Cali Guudlaawe kala hadlay Xildhibaanada ka soo jeeda beelaha..? (Sawirro)

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xueeen ayaa maanta kulan wadatashi ah la qaatay Wasiiradda Iyo Xildhibaanada heer federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee ka soo jeeda Beesha Baadicade.

Kulankaan ayaa ahaa mid la isku xog waraysanayay xaaladaha guud ee dalka gaar ahaan arrimaha Hirshabeelle, sida amniga, howlagalada socda ee ka dhanka ah Al-shabaab.

Waxyaabaha diirada lagu saaray kulankaas waxaa ka mid ah sida beesha ay door muuqda uga qaadan lahayd xoreynta deegaanada ay degto beesha, gurmadka abaaraha iyo ka shaqeynta horumarka deegaanada.

Kulankan ayaa waxa uu ku soo dhamaaday guul iyo is faham iyadoo la isla qaatay in meel looga soo wada jeesto Al-Shabaab sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Hirshabelle.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xili qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan uu ka socdo kacdoon ay wadaan beelaha dega qaarkood oo looga soo horjeedo Al-Shabaab ka dib markii ay ku eedeeyeen iney iney kooxdaas u geysatay xasuuq iyo boob hanti.

Dhinaca kale,Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xueeen ayaa sidoo kale maanta kulan wadatashi ah la qaatay Wasiiradda Iyo Xildhibaanada heer federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee Beesha Gaaljecel.

Kulankaan wadatashiga ah oo muhiimadiisu ahayd mid la isaga wareysanayay xaaladaha guud ee dalka gaar ahaan arrimaha Hirshabeelle sida amniga, howlgalada ka socda deegaanada Hirshabeelle ee ka dhanka ah alshabaab iyo sidii beesha ay uga qeybqaadan lahayd halganka bulshada weynta soomaaliyeed ay isaga dulqaadayaan kooxdan, sidoo kale kulankaan ayaa looga hadlay maadaama deegaanadeena ay ka jiraan abaaro baahsan in bulshadu isu gurmato kana qeybqaataan horumarka dib u dhiska deegaanada Hirshabeelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -