Qaraxyo waaweyn ayaa caawa laga maqlayaa guud ahana Magaalada Muqdisho caasimada Somalia .
Waxaa qaraxyadan daryankooda oo aad u xoog badan laga maqlay inta badan xaafadaha Magaalada.
Ilo wareedyo kala duwan ayaa allbanaadir Online u xaqiijiyey in qaraxyadan ay yihin dabrid ay sameynayaan ciidamada dowlada ee loo yaqaan Gaashaan oo xeryo ku leh duleedka magaalada Muqdisho.
Qaraxyadan ayaa markii hore loo qaatay weerar hoobiyeyaal ah oo Al shabaab ay ku qaaday xerada Xalane oo ay degan yihiin safaaradaha reer galbeedka iyo garoonka dayuuradaha Aadan Cabdulle.
Shacabka magaalada Muqdisho oo intooda badan aan la socon dabridka ciidamada ayaa cabsi iyo argagax ka muujiyey jugta qaraxyadan, iyagoo isweydiinaya sida ay wax u jiraan iyo halka la weeraray.