Allbanaadir.com
NEWS

Boosaaso oo lagu qabtay xubno katirsan Daacish oo si farsameysan magaalada kusoo gali rabay

Ciidamada Amniga Puntland oo hawlgallo ka wada magaalada Boosaaso ayaa qabtay xubno lagu tuhunsan yahay in ay ka tirsan yihiin firxadkii mileeshiyaadka Daacish ee ka soo cararay togga Baallade.

Xubnaha ciidanku qabtay oo isu ekeysiiyay dad reer miyi ah ayaa isku dayay in ay si dhuumasho ah ku soo galaan Boosaaso waxaase gacanta lagu dhigay ka hor inta aysan bulshada dhex galin siday sheegayaan saraakiisha ciidamada ee ku sugan Boosaaso.

Shakhsiyaadka lagu tuhunsan yahay mileeshiyaadka Daacish ee ciidamadu qabteen ayaa loo dhaadhiciyay xabsiga Boosaaso waxaana baaritaan ku wada waaxda baarista u qaabilsan Booliska ee C.I.A si loogu gudbiyo laamaha garsoorka.

Ciidamada Ammiga Boosaaso ayaa dhawaanahan laba jibbaaray hawlgallada ka socda gudaha Boosaaso ee lagu xaqiijinayo Amniga gaar ahaanna kuwa looga hortagayo firxadka mileeshiyaadka Daacish ee ka soo cararay goobaha dagaalka.

 

Related posts

Maxaa ka jira in Netanyahu aqlabalay heshiis xabad joojin ah?

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxaya Addis Ababa iyo Xog ku aadan ujeedada safarkiisa

Caydiid Ali

Maxkamada ciidamada DF oo xukuno adag ku riday saddex askari (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---