Imaaraadka oo laga codsaday in ay shaaciyaan halka ay joogto Ladhifa Sheekh

Hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Human Rights Watch ayaa Isutagga Imaaraadka Carabta ugu baaqday in ay meel uun ku sheegto gabadha Amiirka ee la la’yahay.

Ladhifa Sheekh oo ah gabadh uu dhalay Amiirka imaaradka ayaa la sheegay in ay damacday in ay baxsato bishii Maarso si ay ugu noolaato meel dalkaas ka baxsan oo ay ku heli karto nolol xor ah.

Laakiin dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegay in lagu qabtay Hindiya iyada oo wadata markab qaali ah, sidaana loogu celiyay Dubay, markaas wixii ka dambeeyayna dib looma arkin.

Masuuliyiinta Dubai ayaa sheegay in aysan ka hadli karin gabadhaas, sababtuna ay tahay arrimo dhanka sharciga la xiriira.

Baaritaan uu sameeyay barnaamijka Newsnight ee BBC oo labaahiyay jimcihii, ayaa lagu sheegay in ay gacan ka heshay qof horay uga tirsanaan jiray sirdoonka Faransiiska iyo macalin Finland u dhashay.

Hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in masuuliyiinta Imaaradka looga baahan yahay “in ay shaaciyaan meesha ay gabadhu ku sugan tahay” iyo xaaladda ay ku sugan tahay.

“Haddii aan daaha laga rogin meesha ay ku sugan tahay iyo waxa ay mutaysatayna in markaa ay ka mid noqon doonto dadka la la’yahay ee awoodda loo adeegsaday” ayay tiri hay’addan xuquuqda aadanaha u dooda oo war qoraal ah soo saartay.

Ladhifa Sheekh oo saaxiibbadeed u sheegtay in ay rajaynaysay in ay ka baxsato xayiraadda ay qoyskeedu saareen, ayaan la arkin meel ay jaan iyo cirib dhigtay, lamana maqlin muddo labo bilood ah, arrintaas ayaana abuurtay walaac sare oo laga qabo badqabkeeda”.

Ladhifa Sheekh ayaa lagu qabtay meel 80km u jirta xeebaha Hindiya taariikhdu markay ahayd Afartii Maarso sida ay sheegtay hay’addan xuquuqda aadanaha u dooda ee fadhigeedu yahay magaalada London.

Masuuliyiinta Imaaraadka ayaa BBC-da u sheegay in kuwa soo jeedinaya in gabadha la la’yahay ay yihiin dad falal dambiyeedyo gaystay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -