Ciidanka Itoobiya oo ka baxay Makelle iyo Jabhadda TPLF oo kaabiga ku haysa

Jabhada TPLF ayaa qarka u saaran iney dib ula wareegaan magaalada Mekelle caasimada gobolka Tigray ee dalka Itoobiya kaddib markii ay halkaasi isaga bexeen ciidamada dowladda Itoobiya.

Wararka ayaa sheegaya in xoogaga TPLF ay maalmahanba ku sii siqayeen magaalada Makelle, ayna ciidamada dowlada ka qabsadeen degaano badan oo u dhow magaaladaas.

Maamulkii ku-meel gaarka ahaa ee uu RW Abiy Ahmed ka dhisay gobolka Tigray ayaa sidoo kale isaga cararay magaalada Mekelle sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan dowlada.

Madaxweynaha KMG ah ee Gobolka Tigray Abraham Belay ayaa uu ku dhawaaqay xabbad joojin rasmi ah, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee FANA iyo Warbaahinta dawladda ee EBC.

Abraham Belay ayaa waxaa uu sheegay in xabbad joojintu dan u tahay shacabka gobolkq Tigray-ga iyo danta guud ee ummadda.

Xaalada Magaalada Makelle ayaa cakiran, waxaana jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya i qeybo ka mid ah Magaalada ay soo galeen dagaalyahanada TPLF oo sideed bilood dagaal kula jiray ciidamada Itoobiya ee gobolkaas duulaanka ku qaaday.

Dagaalyahanada TPLF oo dib isu abaabulay ayaa todobaadyadii ugu dambeeyey guulo waaweyn ka gaaray dagaalka ay kula jiraan ciidamada dowlada, iyagoo dib u qabsaday magaalooyin badan oo ku yaalla gobolka Tigray.

LASOCO WIXII KU SOO KORDHA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -